Beledweyne (Banaadir24) — Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), uu gaaray magaalada, isagoo kasoo galay dhanka xuduudda Feer-Feer ee dalka Itoobiya.
Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu la socday kolonyo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan Macawiisleyda, xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Hiiraan, maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Imaatinkiisa ayaa kusoo aadaya xilli ciidamo hubeysan oo Macawiisley ah ay la wareegeen xarumo maamul oo muhiim ah oo ku yaalla Beledweyne, taasoo caqabad ku noqotay awoodda maamulka Hirshabeelle ee magaalada.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa khilaafaad la xiriira hoggaanka maamulka Hirshabeelle, matalaadda siyaasadeed, hannaanka doorashooyinka iyo tabashooyin ay qabaan siyaasiyiin iyo waxgaradka beesha Xawaadle oo ku aaddan sida dowladda Federaalka ay u maareysay arrimaha gobolka.
Inkasta oo ay soo baxeen warar sheegaya in Macawiisleydu ay la wareegeen Beledweyne, haddana xogaha la helayo waxay muujinayaan in awoodda magaalada ay weli kala qaybsan tahay, iyadoo Macawiisleydu ay joogaan xarumo maamul, halka ciidamada Xoogga Dalka ay weli ku sugan yihiin fariisimahooda milateri.
Arrintan ayaa kusoo kordhineysa xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka Hiiraan, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle.
