Ururo Caalami ah oo camaareeyay xiritaanka Masjidka Al-Aqsa

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Jaamacadda Carabta iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay xiritaanka Masjidka Al-Aqsa ee ay Israa’iil ku soo rogtay dadka cibaadaysanaya, gaar ahaan xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen saddexdan hay’adood ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub culus oo ka dhan ah xaaladda taariikhiga iyo sharci ee goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus, isla markaana ay dhaawacayso xorriyadda cibaadada.
Hay’adaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda gaarka ah ee ay Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa u leeyihiin Muslimiinta caalamka, iyagoo xusay in masaajidka uu yahay qibladii koowaad ee Muslimiinta iyo goobta saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.
Bayaanka ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay qaadeyso tallaabooyin sharci-darro ah, iyadoo lagu sheegay inay si buuxda mas’uul uga tahay cawaaqibka ka dhasha tallaabooyinkan, kuwaas oo keeni kara kororka xiisadda iyo rabshadaha gobolka isla markaana khatar gelin kara nabadda caalamka.
Saddexda hay’adood waxay sidoo kale ku celisay in Israa’iil aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn dhulka Falastiin ee la haysto tan iyo 1967, oo ay ku jirto Qudus Bari, waxayna si cad u diideen tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda juqraafiyeed iyo demografiga magaalada.
Dhanka kale, waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu furayo albaabada Masjidka Al-Aqsa, lagana qaado xayiraadaha saaran dadka Falastiiniyiinta ah ee doonaya inay halkaas ku tukadaan.
Ugu dambayn, bayaanku wuxuu mar kale caddeeyay taageerada ay hay’adahani u hayaan xuquuqda shacabka Falastiin ee is-go’aaminta iyo dhismaha dowlad madax-bannaan oo ku saleysan xuduudihii 1967, iyadoo Qudus Bari ay noqoneyso caasimaddeeda.










