LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duqeyn lala beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab & khasaaro ka dhashay

Diyaaradaha dagaalka ayaa maanta duqayn xooggan ka fuliyay duleedka deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in aroortii hore ee saakay la maqlay jugo culus oo dhowr jeer ah, kuwaas oo ka dhacay deegaano ku teedsan Xawaadleey. Dhawaqa qaraxyada ayaa la sheegay in uu socday ilaa xilliga ay dadku ku jireen salaadda Jimcaha iyo qudbadeeda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in duqaynta lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan godad ay qoteen si ay difaac uga dhigtaan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay godad ka qoteen deegaano ku teedsan deegaanka, gaar ahaan jiinka wabiga, si ay uga hortagaan weerarrada ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in goobahaas ay hadda wajahayaan duqaymo cirka ah iyo dagaallo toos ah.

Duqayntan ayaa daba socota dagaal xooggan oo shalay ka dhacay duleedka Xawaadleey, kaas oo sida la sheegay khasaare lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama saaxiibada caalamiga ah ee ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqayntan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo saacadaha soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *