Maamulka Koonfur Galbeed oo xiriirka u jaraya Dowladda Soomaaliya

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu maamulka Koonfur Galbeed ku dhawaaqo inuu hakiyay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar soo baxaya iyo qoraal lagu daabacay baraha bulshada.
La-taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Xildhibaan hore Idiris Cabdi Taktar, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay in xiriirka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka uu si weyn u xumaaday maalmihii la soo dhaafay, isla markaana saacadaha soo socda uu Maamulka Koonfur Galbeed xiriirka u jarayo dowladda Soomaaliya.
Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kaddib markii magaalada Baydhabo ay ku dagaallameen ciidamo ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka, Xasan Maxamed Eelaay.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), uu si weyn uga carooday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli wax tallaabo ah ka qaadin wasiirka lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo.
Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maamulka uu ka fiirsanayo inuu si rasmi ah u jaro xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka, haddii aan wax xal ah laga gaarin khilaafka taagan.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ahaa maamullada sida weyn u taageerayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sannadihii la soo dhaafay, hase yeeshee xaaladda hadda taagan ayaa muujineysa in xiriirka labada dhinac uu galay marxalad adag.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin wararka la xiriira suurtagalnimada in Koonfur Galbeed ay jarto xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe, hayeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhankeeda wado qorshooyin ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana ay hubeyneyso siyaasiyiinta mucaaradsan Madaxweyne Laftaagreen.










