Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo Maanta qarax lagu dilay

Wararka ka imaanaya dhulka buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo askari ay ku geeriyoodeen qarax maanta lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaas oo howlgallo xoogan ka waday Buuraha Cal-miskaad.
Qaraxa oo la sheegay inuu ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay waddada cusub ee isku xirta magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, ciidamada la beegsaday ayaa xilligaas ku guda jiray howlgal miino baaris ah oo ay ka wadeen wadadaasi.
Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa ka tirsanaa ururka Dhoore ee guutada Afmeer oo hoos taga Daraawiishta Puntland. Cutubkan ayaa ka mid ah ciidamada si joogto ah uga qeyb qaata hawlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad.
Ilo amni ayaa sheegay in qaraxa uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirada rasmiga ah ee dhaawacyada aan weli si buuxda loo xaqiijin. Gurmad degdeg ah ayaa la gaarsiiyay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah askarta dhaawacantay loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Boosaaso.
Buuraleyda Calmiskaad ayaa muddooyinkii dambe noqotay goob ay si joogto ah uga dhacaan weerarro iyo qaraxyo lala beegsado ciidamada Puntland. Kooxda Daacish ee ku sugan deegaannadaas ayaa marar badan miinooyin dhulka lagu aaso u adeegsatay weerarro ay ku qaaddo ciidamada howlgalka ka wada halkaas.
Ciidamada Puntland ayaa ku dhowaad 15 bilood ka hor bilaabay howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa qaybo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad. Howlgalkaas oo ujeedkiisu yahay in gebi ahaanba laga saaro kooxda deegaannadaas, ayaa weli socda inkastoo ay mararka qaar dhacaan weerarro iyo qaraxyo ay kooxdaasi ku beegsato ciidamada.









