LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal ka socda Magaalada Boosaaso

Dagaal hub culus laysu adeegsanayo ayaa ka ka socda Kaantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo u dhaxeeyay laba ciidan oo ka wada tirsan maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah ciidamada ay shalay xirteen Kaantaroolka Boosaaso, taasoo sababtay in hakad uu ku yimaado isu-socodka dadka iyo gaadiidka ganacsiga ee soo gala ama ka baxa magaalada. Ciidamada ka gadooday ayaa la sheegay inay ka cabanayeen mushaar la’aan muddo soo jirtay.

Sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen, iska horimaadka ayaa yimid markii la weeraray ciidamada gadiodka sameeyay, waxaana dagaalka uu sababay khasaare dhaawac ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah ee dadka ku dhaawacmay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goor dambe ay dagaalka ku biireen ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF, kuwaas oo isku dayay inay faragelin ku sameeyaan xaaladda ka taagan halkaasi.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa saaka kacsan, iyadoo si weyn looga dareemayo xiisadda ka dhalatay dagaalka. Dadka ku nool magaalada ayaa cabsi ka muujinaya in iska horimaadku sii fido haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.

Ilaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta iyo laamaha Ammaanka Puntland ee ku saabsan dagaalka.

Wararka kusoo kordha kala socda halkan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *