Dowladda Jabuuti oo Soomaaliya u soo direysa Ciidamo farabadan

Dowladda Jabuuti ayaa la filayaa inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo cusub oo ka qayb qaadanaya hawlgallada nabad-ilaalinta ee dalka ka socda, kuwaas oo la geynayo qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.
Ciidamadan ayaa ka tirsan guutooyinka Hiilwalaal ee dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa inay Soomaaliya soo gaaraan 16-ka bisha Maarso ee sanadkan, sida uu baahiyay Telefishinka Dowladda Jabuuti.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qayb ka noqon doonaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyaga oo la shaqayn doona ciidamada kale ee ku jira howlgalka nabad-ilaalinta.
Dowladda Jabuuti ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka sida dhow ula garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca nabad-ilaalinta iyo taageerada amniga.
Ciidamada Jabuuti ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya yimid bishii December 2011, xilligaas oo ay ku biireen hawlgallada lagu taageerayo nabadda iyo dowlad-dhiska dalka, iyaga oo gacanta ku haya dhowr degmo oo kuyaalla Gobolka Hiiraan.
Imaanshaha ciidamadan cusub ayaa la filayaa inay sare u qaaddo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagu taageerayo howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha amni-darrada ka wada qeybo ka mid ah dalka sida Al-Shabaab.









