LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dhalinyarada Bajaajleyda xiran oo Maanta la Maxkanlmadeynayo

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran qaar kamid ah Dhalinyarada ku Shaqeysta Mootooyinka Bajaajka oo la xiray, iyaga oo ka bannaanbaxayay qiima kororka Shidaalka.

Dhalinyarada xiran ayaa waxaa ay kala yihiin Cabdi Cali Ibraahim ( Cabdi Dheere), Sayid Cali Cabdiladiif Cabdullaahi ( Saan miyaa) iyo Xasan Xuseen Cabdi oo Habeenkii Afaraad ku hoyday Saldhigga hodan halka Sacdiyo Macalin Cali Habeenkii 2aad ee xalay ku hoyatay Saldhigga Hodan.

Wararka aan helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta oo Sabti ah dhapinyaradaas Bajaajleyda ah a horgeyn doono Maxkamadda Gobolka Banaadir, balse aan la ogeyn qodobka lagu Eedeyn doono.

Sacdiyo Macalin Cali oo kamid ah Dhalinyarada xiran ayaa dad soo xigtay waxaa ay sheegeen in oo sheegay in la siideynayo, balse ay qasab tahay inay aamusaan balse ay iska diideen, sidaasina weli ku xiran yihiin.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sicad u sheegay in aan la ogoleyn bannaanbax, isla markaana dadka bannaanbaxaya ay yihiin kuwo la soo adeegsaday lana xiri doono.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *