DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya oo la safatay Dowladda Qatar kadib markii la weeraray

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wada-hadal Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Sheekh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani.

Intii uu socday wada-hadalka, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Somalia ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay falalka amni-darro ee lagu bartilmaameedsaday Qatar, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay walaalaha Qatar xilligan adag.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca, iyagoo isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-shaqeynta labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, isla markaana ay la wadaagto dareenka iyo murugada ka dhalatay weerarradaasi.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *