LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo qorsheysay inay Wasiiro u dirtay Koonfur Galbeed, xilli…

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ay qorsheynayaan inay maanta gaaraan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Wasiirka Dekadaha iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, oo labaduba kamid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ay qorsheynayaan inay u safraan Buurhakaba.

Si kastaba, lama oga habka ay halkaasi ku gaari doonaan, maadaama maamulka Koonfur Galbeed uu horey u shaaciyay in uu xiray hawadiisa, isla markaana uu mamnuucay in diyaaradaha ay qaadaan siyaasiyiin.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo degmada Buurhakaba ay ku sugan yihiin ciidamo la magac baxay “Badbaadada Koonfur Galbeed” iyo sidoo kale maamulka degmada oo dhawaan ku biiray mucaaradka. Tani waxay sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhacyo siyaasadeed iyo amni darro ka dhalata safarka la qorsheynayo.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku saabsan safarkan, hase yeeshee xaaladda Buurhakaba ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato geeddi-socodka doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Baay ayaa noqon karta mid sii cakiranta haddii aan xal degdeg ah laga gaarin khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada is haya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *