LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo billaawday xilka qaadista taliyeyaasha ka howlgalla degaannada KGS

WAA SAWIRKA TALIYAHA CUSUB

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Col. Liibaan Garre, oo ahaa taliyihii Guutada 6-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baraawe, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Gen. Xarago loo magacaabay xilkaas, iyadoo la filayo in saacadaha soo aadan ay si rasmi ah uu xilka ula wareego.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Baraawe ay wajahayso xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa, taasoo la xiriirta khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo xiisaddoodu cirka isku sii shareereyso.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Dowladda federaalka Soomaaliya ay wado qorshe siyaasadeed oo ay ka mid tahay suurtagalnimada in doorasho lagu qabto magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose si isbeddel cusub loogu sameeyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Guud ahaan, xaaladda ayaa ah mid wali socota, waxaana la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay keenaan faahfaahin dheeraad ah iyo go’aanno rasmi ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u diidan maamulka Koonfur Galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdicasiis Laftagareen, iyadoo sidoo kale Laftagareen uu doonayo inuu qabsado doorasho u gaar ah taasoo si weyn ay u diidantahay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *