Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday in ay xirtay hawadeeda, joojisayna duullimaadyada

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday joojinta degdegga ah ee dhammaan duullimaadyada ganacsiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku imaanaya ama ka baxaya dhammaan garoomada diyaaradaha iyo goobaha ay ka duulaan diyaaradaha ee maamulkaas.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka, oo ku taariikhaysan 18 Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in go’aankani uu dhaqan galay isla maalintaas, isla markaana uu socon doono “illaa amar dambe.” Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo badbaadada shacabka loona sugo nidaamka howlaha duulimaadyada ee xaaladda hadda jirta.
Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in laga reebay oo keliya duullimaadyada ay maamulaan Qaramada Midoobay (UN) iyo AUSSOM, kuwaas oo loo oggolyahay inay fulin karaan hawlo bani’aadannimo, caafimaad iyo kuwo rasmi ah oo shaqo. Si kastaba, diyaaradahaas ayaa lagu adkeeyey in ay qaadaan oo keliya shaqaale iyo xamuul, isla markaana aysan wadan karin dad siyaasiyiin ah ama cid kale oo aan haysan oggolaansho hore oo ka timaadda hay’adaha ay khuseyso.
Wasaaraddu waxay uga digtay shirkadaha diyaaradaha iyo hawl-wadeennada in ay u hoggaansamaan amarkan, iyadoo sheegtay in cid kasta oo jebisa ay wajihi doonto tallaabo sharci ah iyo ciqaab ka iman karta dowladda Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, dhammaan shirkadaha iyo operators-ka ayaa lagu amray in ay joojiyaan duullimaadyada qorshaysan iyo kuwa aan qorshaysnayn, ayna la shaqeeyaan hay’adaha ku habboon si loo habeeyo dib-u-habeynta rakaabka iyo xamuulka.










