Ergaygii hore ee QM u qaabilsanaa Arrimaha Soomaaliya oo geeriyooday

Magaalada New York ee dalka Maraykanka waxaa ku geeriyooday diblomaasigii caanka ahaa ee Nicholas Haysom, isagoo jiray 73 sano. Haysom waxa uu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalka Suudaanta Koonfureed.
Marxuumka ayaa muddo dheer kasoo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadeed ee Qaramada Midoobay, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay meelo badan oo caalamka ah. Kahor inta aan loo magacaabin xilka Suudaanta Koonfureed, waxa uu ahaa madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay arrimaha siyaasadda iyo nabadeynta.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Nicholas Haysom ayaa xumaaday dabayaaqadii sanadkii 2018, waxaana ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ay 1-dii Janaayo 2019 ku dhawaaqday in dalka laga ceyriyay. Tallaabadaas ayaa dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Geerida Nicholas Haysom ayaa lagu tilmaamay mid khasaaro weyn ku ah howlaha diblomaasiyadda caalamiga ah, iyadoo lagu xusuusan doono kaalintii uu ka qaatay xalinta khilaafaadka iyo horumarinta nabadda dalal badan.









