Golaha mustaqbalka oo ku dhawaaqay go’aan culus una digay Madaxweyne xasan sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyagoo ku tilmaamay mid waafaqsan dastuurka iyo dimuqraadiyadda dalka.
Goluhu wuxuu caddeeyay inuu si buuxda u taageersan yahay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay, kuwaas oo lagu xaqiijinayo rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana la dhowrayo nidaamka federaalka iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle in ay si degdeg ah u qabtaan doorashooyin hufan oo ku saleysan dastuurka, si loo xoojiyo sharciyadda hay’adaha dowlad goboleedyada iyo kalsoonida shacabka.
Dhanka kale, goluhu wuxuu digniin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay in ficillo la xiriira adeegsiga ciidamada xoogga dalka ujeeddooyin siyaasadeed ay dhaawac ku yihiin midnimada iyo xasilloonida dalka. Waxay carrabka ku adkeeyeen in ciidamada qaranka ay tahay in loo adeegsado oo keliya difaaca dalka iyo sugidda amniga, kana madax bannaan noqdaan loollanka siyaasadeed.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka in ay ilaaliyaan dastuurka, xeerarka dalka iyo wadajirka ummadda, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo halis gelin kara horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.










