LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Koonfur Galbeed oo diidan in Aadan Madoobe tago Baydhabo & diyaarad ku xayiran muqdisho

Diyaarad ay saarnaayeen wafdi hordhac u ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa dhowr saacadood ku xanniban garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka hor istaagay inay ka degto garoonka Shaati-gaduud ee Baydhabo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaaradda, oo la rumeysan yahay inay tahay mid gaar ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, lagu wargeliyay xubnihii saarnaa in xaaladda Baydhabo ay tahay mid amni darro ah oo khatar badan leh, islamarkaana aysan suurtagal ahayn inay halkaas ku degaan waqtigan.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inuu saaka garoonka Shaati-gaduud geeyay gaadiid ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, iyadoo la tilmaamayo inay qorsheynayaan in tallaabo adag laga qaado diyaarad kasta oo aan oggolaansho haysan oo soo gasha hawada Baydhabo.

Xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sii kordheysa, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, haddii aan xal degdeg ah laga gaarin khilaafka taagan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *