LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo Ciidamo u daabushay degmada Baraawe, qorsho culus ay la leedahay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarado ku daadgureysay ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ee Booliska, kuwaas oo la geeyay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay la xiriirto qorshe ay dowladda federaalku ku dooneyso inay doorasho ka qabato degmada Baraawe, xilli uu khilaaf adag kala dhaxeeyo maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta qorshaha doorashada, haddana dhaqdhaqaaqyada militari ee socda ayaa muujinaya diyaargarow muuqda.

Sidoo kale, xalay ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilkii ka qaaday Taliyihii Guutada 6aad ee ku sugan degmada Baraawe, Liibaan Yuusuf Garre. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah isbeddello amni oo dowladda federaalku ka waddo deegaanka, taas oo sii xoojineysa tuhunnada ku aaddan qorshaha doorasho ee la sheegay.

Ilaa iyo hadda, ma cadda waxa ka dhalan kara tallaabooyinkan is biirsaday, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay weli kacsan tahay. Dadka deegaanka Baraawe iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyagoo ka cabsi qaba in xiisaddu ay saameyn ku yeelato amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *