DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Soomaaliya oo cambaareysay weeraro ay Iiran ku qaaday dalal uu kamid yahay Imaaraadka carabta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weeraradii xalay Ciidamada Dowladda dalka Iran ay ku qaadeen Kaabayaasha Dhaqaalaha dalalka, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar, kuwaas oo siweyn looga dareemay dalalkooda, isla markaana keeni kara hoos u dhac dhaqaale iyo qiimo koror ku yimaada Shidaalka Caalamka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arriamaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weeraradaas ay si weyn u jebinayaan sharciga caalamiga ah, isla markaana halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladaha iyo shucuubta Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo madaxbannaanidooda laguna xaqiijinayo badqabka muwaadiniintooda iyo dadka ku nool ayaa lagu yiri” qoraalka Dowladda.

Waxaa jira baahi degdeg ah oo loo qabo dejinta xiisadda iyo in la bilaabo wadahadal. Iyadoo Soomaaliya ay ku taallo marinno badeed muhiim ah, waxay adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta marinada tamarta ee laf-dhabarta u ah xasilloonida caalamka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay inay la shaqeyso saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka si loo xoojiyo nabadda loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arriamaha Dibadda Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *