Wufuud kala duwan oo Maanta ku wajahan Magalada Baydhabo

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in maanta magaalada Baydhabo ay ku wajahan yihiin wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddigaasi. Wefdigan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Madaxa Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, Cabdiraxmaan Abuukar Maxamed, oo dhowaan xilka loo magacaabay.
Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan oo ka socda magaalada Baydhabo, iyadoo dhinaca kale ay iyaguna ku wajahan yihiin xubno xildhibaano ah oo ka tirsanaa siyaasiyiintii taageersanaa maamulkii hore ee Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay doonayaan in ay xoojiyaan mowqifkooda siyaasadeed, isla markaana saameyn ku yeeshaan jihada arrimaha doorashooyinka.
Sidoo kale, waxaa jira kala aragti duwanaansho u dhexeeya siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle, kuwaas oo qaarkood horey ugu sugnaa Baydhabo halka kuwo kalena ay dib uga soo laabanayaan. Arrintan ayaa muujineysa loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo dhinacyada kala duwan ay sugayaan go’aanka iyo jihada siyaasadeed ee uu dejin doono Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato hagidda geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadaallada dib u heshiisiinta bulshada ee ka socda Koonfur Galbeed, si loo xasiliyo xaaladda loona mideeyo bulshada ku dhaqan deegaannadaas.
Ugu dambeyn, imaanshaha wefdiga iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee socda ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeeshaan mustaqbalka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta bulshada.









