LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiintii Laftagareen Baydhabo ka saaray oo waji gabax kala kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyay in siyaasiyiintii ku sugneyd magaalada Baydhabo, kuwaas oo qayb ka ahaa xiisadaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana kasoo horjeeday hoggaanka Cabdicasiis Laftagareen ay si degdeg ah ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si cad ugu sheegay xubnahan in aysan jirin sabab sharci ama siyaasadeed oo ay ugu sii nagaadaan Baydhabo, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira doorashada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ay go’aan ka gaari doonaan Guddiga Doorashooyinka, oo keliya.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu niyad jab ku noqday qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta damaca ka lahaa xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Baydhabo si ay u xoojiyaan taageeradooda siyaasadeed.

Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah siyaasiyiintaas ay diidan yihiin inay ka baxaan Baydhabo ka hor inta aan doorasho la qaban, iyagoo ka cabsi qaba in ka bixitaankooda magaalada uu saameyn ku yeesho qorshahooda siyaasadeed. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu u leexato jihada khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysan kara saacad kasta.

Sidoo kale, xogaha la helayo ayaa muujinaya in Villa Soomaaliya ay daneynayso in hoggaanka Koonfur Galbeed uu qabto siyaasi si dhow ula shaqeyn kara Madaxweynaha xilka haya, isla markaana kaalin ka qaadan kara qorshaha siyaasadeed ee la xiriira mustaqbalka hoggaanka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta kale ee tartamaya ayaa weli rajo ka qaba inay ku guuleystaan xilka madaxtinimada, taas oo sii kordhinaysa tartanka iyo loollanka siyaasadeed ee ka socda Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *