DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWS

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis aan horay loo arkin iyo Soomaaliya oo…

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ku saabsan ka-reebitaanka fiisaha ee loogu talagalay dadka sita baasaboorada diblomaasiyadeed, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Heshiiskan ayaa lagu ansixiyay kulankii labaad ee Golaha Wada-hadalka Siyaasadeed ee labada dal oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo mas’uuliyiin sare ay isku arkeen si ay uga wada hadlaan iskaashi ballaaran.

Kulanka waxaa dhinaca Soomaaliya hoggaaminayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamse Aadan Haadow, halka dhinaca Suudaan uu matalayay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Muawiya Osman Khalid.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskani uu door weyn ka qaadan doono fududeynta isu-socodka diblomaasiyiinta, isla markaana uu xoojin doono xiriirka siyaasadeed iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla meel dhigay in la dardargeliyo wada shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, iyo horumarinta awoodda hay’adaha, iyagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay si xooggan u wado dib-u-dhiska iyo xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Afrika iyo beesha caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *