LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la la’yahay kadib booqashadiisii Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu gaaray magaalada, waxaa soo baxaya su’aalo la xiriira dhaqdhaqaaqiisa iyo kulamada uu halkaasi ka wado oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Madaxweynaha ayaa safarradii hore ee uu ku tegi jiray dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed, la wadaagi jiray kulamo uu la qaato madaxda maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si joogto ah loogu baahin jiray baraha bulshada iyo warbaahinta dowladda.

Hase yeeshee, safarkan ayaa u muuqda mid ka duwan kuwii hore, iyadoo aan ilaa iyo hadda wax war ah laga soo saarin kulamada uu madaxweynaha ka wado Baydhabo. Warbaahinta dowladda sida Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo bogga rasmiga ah ee Villa Somalia ayaan weli daabicin wax war ah oo ku saabsan howlaha madaxweynaha marka laga reebo sawirradii soo dhaweynta.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada ka wado kulamo hoose oo aan warbaahinta loo oggolaan, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed iyo amni. Kulamadan ayaa la sheegay inay daba socdaan khilaafaadyo ka dhashay weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen Baydhabo iyo isbeddelladii siyaasadeed ee la xiriiray xilka maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in kulamadaasi diiradda lagu saarayo dejinta xaaladda siyaasadeed ee deegaanka iyo xal u helidda tabashooyinka jira, inkasta oo Magaalada ay hadda ku sugan yihiin inta badan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo mas’uuliyiintii xilalka ka haayay Maamulkii Madaxweyne Laftagareen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *