Dowladda Somalia oo Taliye cusub u magacaawday Nabadsugida Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sii wada isbeddellada dhanka amniga, iyadoo taliye cusub u magacawday Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa si rasmi ah u magacaabay Macalin Saalax Cabdinuur Cali oo noqday taliyaha cusub ee laanta Nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed.
Macalin Saalax ayaa horay u soo noqday taliye ka tirsan Ciidamada Dharcadka ee Ilaalada Shacabka ee ka howlgala magaalada Muqdisho, kuwaas oo door muuqda ka qaatay sugidda amniga caasimadda, gaar ahaan xilliyadii ay jireen howlgallada amni ee lagu xasilinayay magaalada.
Magacaabistan ayaa imaaneysa xilli Dowladda Federaalka ay wado dib-u-habeyn iyo isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo hoggaanka hay’adaha amniga ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala Dowlad Goboleedyada.
Sidoo kale, dowladda ayaa horey u magacaawday taliyeyaasha Booliska ee Gobolka Baay iyo magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabooyinkan loo arko kuwo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha kala duwan ee gobolka.
Wararka ayaa tilmaamaya in isbeddelladan ay sidoo kale la xiriiraan kala shaandheyn lagu sameynayo saraakiishii hore ee la shaqeyn jirtay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwii saaxiibka la ahaa madaxweynihii xilka laga qaaday, Cabdicasiis Laftagareen.









