LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Magacyada Askar ku geeriyootay weerarkii Baydhabo oo la helay iyo Al-Shabaab oo…

Kadib dagaalkii culus ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa waxaa soo baxaya faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay laba xero oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo, kuwaas oo kala ah xerooyinka Towfiiq iyo Bukriyeey, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidanka dowladda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu sababay dhimashada ugu yaraan laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cali Dharaan iyo Gubad Galoole. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo la soo wariyay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tiradooda, sida ay baahiyeen Ururka Al-Shabaab

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayay gudaha magaalada, taas oo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan halkaasi, islamarkaana keentay in qaar kamid ah ay ka barakacaan goobahooda.

Dhinaca kale, weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga ee ku saabsan khasaaraha guud iyo sida uu weerarku u dhacay, hase yeeshee xaaladda magaalada ayaa saaka la sheegay inay tahay mid deggan, isla markaana uu weli ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *