Agaasimaha NISA oo qorsho ka dhan ah Qoor Qoor ka billaabay Guriceel

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad, uu maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in halkaasi la geeyay hub culus, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin ujeedka ka dambeeya tallaabadaasi. Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in la qoray ku dhawaad 300 askari oo la sheegay inay ka mid noqonayaan ciidamada NISA, kuwaas oo la diyaarinayo in ay ka howlgalaan deegaannada Galmudug.
Dhanka kale, waxaa isa soo taraya hadal-heyn la xiriirta damac siyaasadeed oo la sheegay inuu leeyahay Agaasimaha NISA, iyadoo wararku sheegayaan inuu doonayo inuu u tartamo xilka Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Galmudug.
Wararkaasi waxay kusoo aadayaan xilli la filayo in dhawaan Galmudug ay ka dhacaan doorashooyin la sheegay inay noqon doonaan kuwo qof iyo cod ah oo diyaarinteeda ay ka socoto Dhuusamareeb.
Ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay Agaasimaha NISA ama maamulka Galmudug oo ku saabsan arrimahan, hase yeeshee xaaladda ayaa si dhow loo hadal hayaa, iyadoo laga sugayo caddeyn iyo faahfaahin dheeraad ah maalmaha soo socda iyo tallaabada ay qaadi doonaan Agaasimaha Hay’adda NISA & Madaxweynaha Galmudug.









