LATEST NEWSLOCAL NEWSTECH NEWSWARARKA

Mucaaradka oo digniin culus kasoo saaray qorshe Dowladda ku weerareyso Gen. Odowaa Yuusuf Raage

Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo taariikhdu tahay 6-da June, 2026, kaga hadlay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee Muqdisho.

Madashu waxay si adag u cambaaraysay isku-day ay sheegeen inay ciidamo gaar ah oo uu hoggaaminayo Aadan Maxamad Cumar (Aadan Dheere) ku damacsanaayeen inay ku weeraraan hoyga uu degmada Cabdicasiis ka degan yahay Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Waxay ku eedeeyeen Xasan Sheekh Maxamuud qorshayaal ay sheegeen in lagu beegsanayo hanti gaar loo leeyahay iyo hoteelo, taas oo ay ku tilmaameen mid sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed iyo tan amniga ee caasimadda.

Madashu waxay ugu baaqday dhammaan ciidamada qalabka sida inay ka fogaadaan in loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah, waxayna dalbadeen in la ixtiraamo heshiisyadii lagu xasilinayay xaaladda.

Masuuliyadda: Ugu dambeyntii, warsaxaafadeedka waxaa lagu caddeeyey in Xasan Sheekh Maxamuud uu qaadi doono masuuliyadda buuxda ee ka dhalata falalka kicinta siyaasadeed ee halista gelin kara nabadda iyo xasilloonida.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *