Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Saraakiisha Milatariga iyo Nabadsugidda & Xiisad Ka Taagan…

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo aad u tiro badan oo si heersare ah u hubeysan la dhigay agagaarka Isgoyska Beexaani, oo u dhow xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ee Habar Khadiijo.
Goobta ayaa si weyn loo xiray, iyadoo la soo warinayo in dhaq-dhaqaaqyada amniga ay ka dhasheen xiisad u dhexeysa saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka iyo ciidamada qalabka sida, taasoo la xiriirta howlgal lagu baarayo hubka ku jira guryaha saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dowladeed oo ku sugan aagga Mirinaayo.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in xiisaddan ay si gaar ah ugu lug yeelan karto Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka, General Odowaa Yuusuf Raage, inkastoo aan weli la helin caddeymo madax-bannaan oo arrintaas xaqiijinaya.
Dhacdadan ayaa imaneysa maalin kadib markii la hakiyay qorshe la doonayay in hub loogu soo bandhigo Saldhigga Booliska degmada Cabdi Casiis, kaddib khilaaf ka yimid Taliyaha Ciidamada Xoogga General Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka, iyadoo la filayo faahfaahin dheeraad ah saacadaha soo socda.









