Dowladda Federaalka oo shaacisay in maalgelin caalami ah ay ka dambeysay dagaalkii Muqdisho

Wasiirka Dekedaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay fashiliyeen kooxo uu ku eedeeyay inay qandaraas ku qaateen dhibaateynta qaranka, kuwaas oo uu sheegay in laga hortagay weerarro ay qorsheynayeen.
Qoraal uu soo saaray ayuu wasiirku ku sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hortageen qorshayaal amni-darro, isaga oo xusay in dadka Soomaaliyeed ay hadda si cad u garteen cidda uu ku tilmaamay “cadowga qaranka”, kuwaas oo uu sheegay inay hore isu qarin jireen.
Sidoo kale, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dhinacyadii maalgelinta ku bixiyay qorshayaashaas ay ku guuldarreysteen hadafkoodii, isla markaana ay hadda doonayaan in loo soo celiyo dhaqaalihii ay ku bixiyeen. Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay su’aal uu ku muujinayo shaki ku saabsan in lacagtaasi dib loogu celin doono iyo in kale.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira magaalada Muqdisho.
Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kamid ah saaxiibada ugu dhow ee madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud isagoona sidoo kale ninka Turkiga wakiilka uga ah Soomaaliya kaasoo ka dambeeyay in Turkiga si indho la’aan ah loogu saxiibo heshiisyo badan oo uu intabadan ku qaadanayo qeyraadka Soomaaliya.









