LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Amarro Is Diidan Oo Ka Soo Baxaya Talisyada Ciidanka, Cabsi Dagaal Oo Korortay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf iyo jahawareer dhanka taliska ah uu ka dhex jiro qaar kamid ah hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya, iyadoo la sheegay in saraakiil kala duwan ay bixinayaan amarro iska soo horjeeda oo sare u qaaday walaaca amni ee ka jira caasimadda Muqdisho.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, hay’adaha Nabadsugidda, Booliska Gobolka Banaadir, Qeybta Howlgallada Gaarka ah iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ku jiraan xaalad is-maandhaaf amni iyo mid talis, taasoo keentay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo kala jiho ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dhinac kasta uu isku dayayo inuu muujiyo awooddiisa, iyadoo amarro kala duwan oo la bixiyay ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in iska horimaad hubeysan uu ka dhex qarxo ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Xiisaddan ayaa la rumeysan yahay inay ka dhalatay muran ku saabsan cidda leh awoodda bixinta amarada amniga ee xaaladaha taagan, iyadoo weli aysan muuqan xal rasmi ah oo lagu dejinayo khilaafka.

Arrintan ayaa sidoo kale cadaadis siyaasadeed ku abuurtay Madaxtooyada Soomaaliya, xilli la sheegayo in maamulka sare uu wajahayo caqabado la xiriira isku dubbaridka hay’adaha amniga iyo sugidda kala dambeynta taliska ciidamada.

Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo amni oo aan caadi ahayn, iyadoo shacabka ay si dhow ula socdaan xaaladda cakiran ee ka dhex taagan laamaha amniga dowladda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *