LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiirkii Hore Ee Amniga Oo Shaaciyay in Ciidamo Ka Amar Qaata Xasan Sheekh La Wareegeen Hoteelkiisa

Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo maanta ka dhacday Hotel Elite ee xeebta Liido, isagoo ku eedeeyay dowladda inay si xoog ah ula wareegtay xaruntaasi ganacsi.

Cabdullaahi ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Juun 2026, abbaarihii 11:30 subaxnimo ay Hotel Elite gudaha u galeen ciidamo hubeysan oo watay hub culus iyo walxo qarxa. Wuxuu xusay in ciidamadaasi ay gabi ahaanba la wareegeen hotelka, isla markaana hal meel isugu geeyeen shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneyd gudaha.

Wasiirkii hore ee Amniga ayaa ku dooday in howlgalkaasi uusan ahayn baaritaan amni, balse uu yahay qorshe lagu burburinayo hotelka laguna boobayo hantida taalla gudaha. Sidoo kale wuxuu sheegay in hubka culus ee la sheegay in gudaha lala galay loo adeegsan karo in lagu abuuro eedeymo ka dhan ah hotelka si loo sharciyeeyo tallaabooyinka la qaaday.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si toos ah mas’uuliyadda dhacdadan ugu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in dowladda ay ka dambeyso howlgalka ka socda Hotel Elite.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya eedeymahaasi, iyadoo xaaladda degmada Cabdicasiis iyo deegaanka Liido ay weli tahay mid aad u kacsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *