LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wararkii ugu dambeeyay dagaal qaraar oo ka socda deegaanka Gubadleey

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo deegaanka Gubadleey ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxay wararku sheegayaan inay u dhexeeyaan ciidamada dowladda iyo ciidan uu leeyahay nin ganacsade ah.

Warar isugu jira ilo amni iyo kuwo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen waddooyin u dhow deegaanka Cadale, halkaas oo la sheegay in ay ku socdeen illaa shan gaadiid oo nooca dagaalka ah.

Howlgalkaas ayaa la sheegay in uu sababay iska horimaad kooban oo dhexmaray ciidanka la geeyay Muqdisho iyo cutubyo kale oo horey u joogay deegaanka, iyadoo ugu dambeyn la soo werinayo in saddex ka mid ah gaadiidkaas ay la wareegeen ciidamada dowladda.

Wararka qaar ayaa sidoo kale tilmaamaya in inta aan xaaladdu kululaan ay hawada ka muuqdeen diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo kormeeraya dhaq-dhaqaaqa goobta.

Dhinaca kale, ilo aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in ganacsade lagu tuhunsan yahay lahaanshaha gaadiidkan uu wajahayo baaritaanno amni, isla markaana laga yaabo in tallaabo sharci ah laga qaado, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahintaas.

Ma jiro weli war rasmi ah oo si buuxda u xaqiijinaya khasaaraha ama xaaladda dhabta ah ee dhacdadan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *