Ciidamada Dowladda Oo Si Xoog Ah Ku Galay Hotel Elite, Dhacna Ka Geystay Gudaha Hoteelka

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay si xooggan u galeen Hotel Elite ee ku yaalla xeebta Liido, kaas oo la sheegay inuu leeyahay Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen maqaaxiyaha hotelka, halkaas oo lagu soo warramayo inay ka dhaceen falal bililiqo ah, ka hor inta aysan u gudbin qaybaha kale ee dhismaha oo ay ku jiraan qolalka jiifka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay mar kale cirka isku shareertay xiisadda ka taagan Degmada Cabdicasiis, oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo sababay khasaare kala duwan.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ama maamulka degmada oo ku saabsan sababta ciidamada loogu daadiyay hotelka iyo waxa dhabta ah ee ka socda gudaha goobta.
Xaaladda degmada ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada amni ee ka socda aagga Liido iyo nawaaxigeeda.









