Turkiga oo ka naxay aragtida mucaaradka dibna u eegaya taageeradiisa Xasan Sheekh

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan sirdoonka Turkiga ee ku sugan Muqdisho ay kulamo la yeesheen dhinacyo kala duwan oo mucaaradka Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadaha taagan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in dhinacyada mucaaradka ay saraakiisha Turkiga u gudbiyeen walaac la xiriira doorka Ankara ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in dad badan ay aaminsan yihiin in Turkigu mustaqbalkiisa Soomaaliya ku xiray maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Saraakiisha Turkiga ayaa la sheegay inay si cad u beeniyeen aragtidaas, iyagoo ku adkeystay in dalkoodu uu saaxiib la yahay Soomaaliya guud ahaan, isla markaana aanu dhinac gaar ah ka tirsanayn muranka siyaasadeed ee ka jira dalka.
Sidoo kale, Turkigu wuxuu sheegay in aanu taageero gaar ah siinayn dhinac siyaasadeed, isla markaana aanu oggolaan doonin in qalabkiisa milatari loo adeegsado khilaafaadka gudaha. Wararka ayaa intaas ku daraya in Ankara ay muujisay diyaar u ahaanshaha inay door dhexdhexaadin ah ka qaadato xal u helidda xiisadaha jira.
Kulamadan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa muran siyaasadeed iyo walaac sii kordhaya oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.









