Author: Banaadir24

Ciidamada ammaanka, oo weli ku guda jira howlgalada lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah kadib weerarkii maleeshiyaadka hubeysan ay ku soo qaadeen Degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa soo bandhigay hub fara badan oo isugu jira noocyo kala duwan. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta kula hadlay Hotel Elite, ayaa sheegay in la soo qabtay hub badan, kuwaas oo ay ku jiraan hub culus iyo hubka wax dila meelaha fog, kuwaas oo lagu keydiyay hotelka. “Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay howlgallo xiriir ah oo ciidamada ammaanka ay ku baacsanayeenn hub sharci-darro ah oo Qaar ka…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada, iyo taageerada dhismaha hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, iyagoo adkeeyay mowqifka ay wadaagaan ee ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha doorkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay…

Read More

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqday inay xayiraad cusub kusoo rogeen dhaq-dhaqaaqa maraakiibta la xiriira Israa’iil ee maraya Badda Cas, iyagoo sheegay inay beegsan doonaan sahay kasta oo loo wado dekedaha Israa’iil. Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in go’aankan uu qayb ka yahay taageerada ay u muujinayaan shacabka Falastiin, Lubnaan iyo Iran, isagoo xusay in kooxdu ay sii wadi doonto tallaabooyinka ay ku sheegtay inay cadaadis ku saarayaan Israa’iil iyo xulafadeeda. Xayiraaddan cusub ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka Badda Cas, oo kamid ah waddooyinka ganacsi ee ugu muhiimsan caalamka. Khubarada dhaqaalaha iyo maraakiibta ayaa ka…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Sirdoonka Turkiga oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ay maanta markale kulan gaar ah la yeelan doonaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya. Kulankan ayaa imanaya kadib wada-hadallo ay wafdiga Turkigu la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la xiriira doorashooyinka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulanka saacadaha soo socda la filayo uu Turkigu mucaaradka kula wadaagi doono natiijada iyo aragtiyihii kasoo baxay kulamadii ay la yeesheen madaxda Dowladda Federaalka…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday deegaanka duleedka magaalada Baydhabo ay sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Afhayeenka maamulka mucaaradka ah ee Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday ciidamo hoostaga maamulkooda. Wuxuu xusay in inkastoo weerarka la sheegay inuu dhacay, haddana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamadooda. Afhayeenka ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarka, isaga oo ku andacooday in la adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo uu sheegay inay ka mid yihiin qalab…

Read More

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti, oo haatan kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa digniin adag ka soo saaray qorshe la sheegay in Dowladda Federaalka ay ku doonayso hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Fargeeti ku sheegay in habka doorashada la qorsheynayo uu yahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka, isla markaana aan lagu dhisin is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran. Wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dayeyso inay si toos ah u maamusho geeddi-socodka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. Fargeeti ayaa sidoo kale sheegay in doorasho lagu qabto deegaanno wali…

Read More

Sheekh Maxamed Soomow oo ka mid ah culimada caanka ah ee Ahlusunna ayaa si kulul uga hadlay burburinta goob la xiriirtay jamaacaddiisa oo ku taalla magaalada Muqdisho, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si gaar ah u bartilmaameedsanayso isaga iyo taageerayaasha Ahlusunna sababo la xiriira aragtidooda diimeed iyo beesha ay ka soo jeedaan. Sheekha ayaa sheegay in eedeymaha la xiriira in hub lagu keydinayay goobta la burburiyay ay yihiin kuwo aan sal lahayn, isagoo xusay in dowladda ay adeegsatay cagafyo iyo awood ciidan si ay u dumiso dhismahaas iyada oo aan loo marin hannaan sharci ah. Sheekh Soomow ayaa…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku faahfaahinayso khasaaraha ka dhashay howlgal hub ka dhigis ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 3-da ilaa 4-ta Juun 2026. Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee laga soo ururiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee lagu daweeyay dadka ay saameeyeen dhacdooyinkaasi, waxaa la xaqiijiyay: 55 qof oo dhaawac ah 1 qof oo geeriyooday Wasaaraddu waxay tacsi u dirtay ehelada qofka geeriyooday, iyadoo sidoo kale u rajeysay caafimaad degdeg ah dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaareen. War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay shaqaalaha…

Read More

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ee sida gaarka ah u tababaran, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalladan ayaa lagu beegsaday goobo ay Al-Shabaab dadka shacabka ah uga qaadi jireen lacago baad ah iyo xarumo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay abaabul iyo gabaad. Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Danab ayaa howlgalka ka sameeyay deegaannada Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeellaha iyo aagga Donka, halkaas oo la sheegay in lagu burburiyay fariisimo iyo meelo muhiim u ahaa kooxda. Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si guul leh u fuliyeen…

Read More

Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa sii xoogeysaneysa, kadib markii masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay booqdeen xeryo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada. Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Amniga Xasan Cabdiqaadir, waxaana qeyb ka ahaa afhayeenka maamulka Ugaas Xasan, Janaraal Aamiin Maxamed Cismaan, Malaaq Shanla Gaab iyo saraakiil kale oo sare. Masuuliyiinta ayaa sheegay in booqashadu ay ahayd mid lagu qiimeynayay heerka diyaargarowga ciidamada isla markaana lagu dhiirrigelinayay ciidamada ku sugan furimaha hore. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ay wadaan abaabul iyo diyaargarow la…

Read More