Ciidamada Booliiska oo gacanta ku dhigay eedeysaneyaal faafin jiray muuqaalo anshax xumo ah

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa xoojiyay hawlgallada lagula dagaallamayo falalka anshax-xumada ah iyo wax kasta oo ka hor imanaya dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed.
Hawlgalladan ayaa lagu soo qabtay laba eedaysane oo lagu eedeeyay inay si joogto ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ugu faafin jireen muuqaallo lagu tilmaamay kuwo anshax-xumo ah. Booliiska ayaa sheegay in eedaysanayaasha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si loogu qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan.
Sidoo kale, Ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay weli ku raad-joogaan dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen fal dhaqan-xumo ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed, iyadoo la adkeeyay in baaritaannada arrintaas ay socdaan.
Booliiska ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan wixii xog ah ee ku saabsan eedaysanayaasha la raadinayo.










