LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Baydhabo

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay magaalada Baydhabo ee caawimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka oo ahaa mid qaraar ka dhacay xaafadaha Bukriyay, Cunaay, Xanaano Barwaaqo, Warshada Hassey iyo deegaannada u dhexeeya Buundada Keerow Foge iyo Cali Axmaar.

Sida ay sheegayaan ilo amni, dagaallada ayaa haatan istaagay kadib markii ciidamo la sheegay inay daacad u ahaayeen Madaxweyne Cabdi Casiis Lafta-gareen ay dib uga baxeen goobihii lagu dagaallamay. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada balse wararka ayaa waxay sheegayaan inuu jiro qasaare ka dhashay dagaalkii xalay oo ahaa mid kulul.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer ka jiray Koonfur Galbeed. Maamul ka shaqeynaya gudaha Baydhabo oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhinac ah, halka dhinaca kale ay jiraan xoogag taageersan Cabdi Casiis Lafta-gareen oo ku sugnaa duleedka magaalada kadib muranno iyo isku dhacyo hore oo la xiriiray hoggaanka iyo sharciyadda maamulka gobolka.

Ciidamada Ladtagareen ayaa mar walba iska soo gala gudaha magaalada Baydhabo waxayna u muuqataa in xeeladooda dagaal ay u beleed mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *