Dagaal qaraar oo ka socda gudaha magaalada Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in haatan gudaha magaalada ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo dhinacyo kale oo ku sugan magaalada.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaas culus laga maqlayo qaybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo xaaladda amni ay tahay mid kacsan. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaallada socda, mana jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama hay’adaha ammaanka.
Xaaladda magaalada ayaa weli cakiran, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha dagaalka iyo saamaynta uu yeeshay.
Wiixi kusoo kordha kala soco Banaadir24 Online.









