LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Laftagareen oo fariin u diray shacabka Baydhabo kadib dagaalkii xalay

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur-Galbeed Xasan Cabdulqaadir, oo hoggaaminaya ciidamada taabacsan madaxweynaha dibadda jooga ee Koonfur-Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen, ayaa farriin u diray shacabka magaalada xilli ay jiraan xiisado amni.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed si looga baaqsado waxyeello kasta oo ka dhalan karta howlgalada ka socda Baydhabo ee lagu beegsanayo ciidamadaasi.

“Shacabkeenna sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inay ka fogaadaan meelaha ay ciidamada ku sugan yihiin si aysan dhibaato idiin soo gaarin. Waxaan u taaganahay difaaca Koonfur-Galbeed iyo shacabka deegaannadeeda, annagoo u dulqaadaneyna duruufaha adag si aan uga hortagno cid kasta oo duullaan ku ah maamulka iyo shacabka Koonfur-Galbeed,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo magaalada Baydhabo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xaalad amni oo kacsan.

Ciidamada Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay galay magaalada Baydhabo iyagoona la wareegay gacan ku heynta xaafado ka tirsan magaalada kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay dib uga soo gurteen fariisimihii ay ku sugnaayeen.

Dagaalkii xalay ay ciidamada Laftagareen kusoo qaadeen magaalada Baydhabo ayaa dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inakstoo aanan la ogeyn inta uu la egyahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *