Author: Banaadir24

Maamulka Puntland ayaa si weyn u xoojiyay ammaanka magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay baraha kantaroolada, waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha laga soo galo magaalooyinkaas. Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamada la faray inay sare u qaadaan feejignaanta, islamarkaana si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda gudaha iyo daafaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Tallaabadan amni ee cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli Golaha Wasiirrada Puntland ay kulan ay yeesheen Khamiistii ku amreen hay’adaha ammaanka in aan deegaannada Puntland laga oggolaan ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si xor ah uga gudbaan ama…

Read More

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa guul ka sheegtay howlgallo qorsheysan oo ay ka wadaan deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Aadan Maxamed Aadan, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, ninka la qabtay ayaa watay qori nooca AK-47 ah iyo agab kale oo uu isticmaali jiray. Saraakiisha ayaa tilmaamay in qabashada xubintan ay timid kaddib markii ciidamada Danab ay deegaanka ka fuliyeen howlgallo culus oo isugu jiray duqeymo iyo dhaq-dhaqaaqyo dhulka ah,…

Read More

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaa weli ka socda dagaal culus oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed iska soo horjeeda, kaas oo galay maalintii afraad ee xiriir ah Sabtidan, iyadoo xaaladdu ay kasii dareyso isla markaana laga cabsi qabo in khasaaruhu sii bato. Wararka laga helayo deegaanka iyo ilo amni ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii ay xiisaddu bilaabatay horraantii toddobaadkan. Si kastaba ha ahaatee, tiradan si madax-bannaan looma xaqiijin, waxaana jira walaac ah in khasaaraha dhabta ah uu ka badan karo inta hadda la shaaciyay. Dadka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee Sannadka 2026 iyo Gunaanadka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay maalgashi xooggan ku sameysay waxbarashada iyada ko juhdi iyo dadaal badna galisay mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed iyo dhisamaha aqoonta, heerarkeeda kala duwan. Mudane Xamsa ayaa xusay in himilooyinka Qarni-jirka ah ee Xukuumadda DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP-ay tiir dhexaad u yihiin horumarinta tayada waxbarashada dalka iyo casriyeynta nidaamyada iyo shuruucda kale ee dhanka…

Read More

Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansaxdheere, taas oo muujinaysa caqabadaha amni ee weli ka jira deegaannada koonfurta Soomaaliya. Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo amni, dhowr madaafiic badan oo hoobiye ah ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada Itoobiya maanta oo Sabti ah. Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha iyo agagaarka xarunta ciidamada, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka. Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo taliska ciidamada Itoobiya midkoodna kama uusan soo saarin war…

Read More

Warar laga helayo ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muujinaya in xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea uu galay marxalad adag, kaddib markii ay soo baxeen khilaafaad la xiriira jihada siyaasadda gobolka iyo xiriirka Muqdisho ay la leedahay Itoobiya. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu Soomaaliya u gudbiyay farriin cad oo ku saabsan in ay kala doorato Itoobiya ama Eritrea, isaga oo ku dooday in aysan suuragal ahayn in Soomaaliya xiriir dhow la yeelato Eritrea iyadoo isla markaana heshiisyo iyo wada-shaqeyn la leh Itoobiya. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya…

Read More

Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Cali Korante iyo xubno ka tirsan kooxdiisa ayaa ku biiray xoogagga siyaasadeed ee taageersan Lafta Gareen, kuwaas oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Tallaabadan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan oo ka dhex taagan bulshada iyo siyaasadda Soomaaliya, iyadoo loo arko isbeddel saameyn leh oo ku soo kordhay muranka siyaasadeed ee muddada dheer ka taagnaa Koonfur Galbeed. Cali Korante ayaa lagu yaqaanaa saameyn ballaaran oo uu ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada suugaanta, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in ku biiristiisa garabka Lafta Gareen ay kor…

Read More

Ugu yaraan 10 qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen, halka shan kale ay ku dhaawacmeen dagaallo beeleed weli ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen ilo amni oo ku sugan gobolka. Sida ay wararku sheegayaan, rabshadaha ayaa ka dhashay dhacdooyin la xiriira tacaddiyo galmo oo lagu eedeeyay xubno ka tirsan labada beelood ee iska hor imanaya. Xiisadda ayaa la sheegay inay bilaabatay kadib markii gabar yar lagu sheegay in lagu kufsaday magaalada Talaadadii, taasoo dhalisay caro iyo muran u dhexeeya labada dhinac. Maalintii Arbacada, waxaa soo baxay warar sheegaya in saddex dhalinyaro ah ay weerar…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Cali Siyaad (Champion), waxaana loo magacaabay guddoomiye cusub. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in xil ka qaadista Champion ay daba socotay khilaaf muddo bilooyin ah u dhexeeyay isaga iyo Wasaaradda Dhalinyarada. Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in hadalladiisa ku saabsan musuqmaasuqa iyo maamulka dalka ay sabab u noqdeen tabashooyin ka yimid qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda. Wararka ayaa intaas ku daraya in xiriirka lagu tuhmay inuu la lahaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka uu sii…

Read More

Muqdisho, Khamiis 18 Juun 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin tirakoobyo wadata oo ku saabsan Imtixaanka Qaranka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026, xaaladda amniga, dhaqaale iyo bulsho ee dalka. Kulanka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xoogga saaraya horumarka Qaranka. Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee…

Read More