LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Muuse Biixi oo farriin lama filaan ah u diray Cabdiraxmaan Cirro

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay isbeddellada waaweyn ee ka socda siyaasadda caalamka, isagoo sheegay in colaadaha iyo wada-hadallada ka socda Bariga Dhexe ay si toos ah u saameyn karaan Geeska Afrika, isla markaana ay Somaliland u baahan tahay inay si taxaddar leh ula socoto xaaladahaas.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dunidu maanta wajahaysa isbeddello siyaasadeed oo waaweyn iyo xaalado amni oo cakiran, isagoo xusay in colaadda Bariga Dhexe ay durba saamayn ku yeelatay Geeska Afrika. Waxa uu tilmaamay in natiijada ka soo baxda wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ay wax ka beddeli karto qaab-dhismeedka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee gobolka iyo caalamkaba.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay muuqato kororka saameynta dalal ay ka mid yihiin Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudiga, isagoo xusay inay suurtagal tahay in dalalkan ay sii xoojiyaan iskaashigooda, sababo la xiriira is-maandhaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil.

Muuse Biixi ayaa ugu dambeyn ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si qoto dheer u daraasayso isbeddellada caalamiga ah iyo heshiisyada socda, si looga fogaado khaladaad siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Somaliland, isla markaana loo diyaargaroobo caqabadaha iyo fursadaha ka dhalan kara xaaladaha cusub ee gobolka iyo caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *