Dowladda Federaalka oo ciidamada Gorgor geysay Baydhabo iyo Xaaladda oo…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay diyaarado uga daadgureysay magaalada Muqdisho cutubyo dheeraad ah oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo la geeyay magaalada Baydhabo si loo xoojiyo amniga, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xaaladda amni ee ka taagan magaalada iyo nawaaxigeeda.
Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonyahay, ciidamada la geeyay Baydhabo ayaa qeyb ka ah qorshe lagu adkeynayo sugidda amniga, iyadoo maalmihii u dambeeyay la soo sheegayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xaalado kacsanaan ah oo ka jira deegaannada ku hareereysan magaalada.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Gorgor lagu xoojiyay fariisimaha muhiimka ah ee Baydhabo, si looga hortago xaalad kasta oo amniga wax u dhimi karta, isla markaana loo xaqiijiyo in magaalada ay sii ahaato mid deggan.
Xoojinta ciidamada ayaa kusoo beegmaysa xilli ay isa soo tarayaan wararka la xiriira dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabsi laga qabo isku dhacyo dhexmara ciidamada Laftagareen oo ku sugan deegaannada ku dhow Baydhabo iyo ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto xaaladda gobolka, isla markaana ay qaadayso tallaabooyin ay ku doonayso inay kaga hortagto qalalaase kasta oo ka dhasha xiisadaha taagan.
Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed kama aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya tirada ciidamada la geeyay ama muddada ay sii joogi doonaan Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa muujinaysa dadaallada sii kordhaya ee lagu xoojinayo amniga magaalada xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo isa soo taraysa.









