LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilaawday ku Qaadday Saldhigga Ciidanka Dowladda ee…

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka oo Jimco ah weerar culus ku qaaday saldhig ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin deegaanka Ceel-Wareegow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo amni.

Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu billowday saacadihii hore ee saaka, kaddib markii kooxda ay weerartay fariisinka ciidamada dowladda, taasoo dhalisay dagaal culus oo la isku adeegsaday hub kala duwan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas xooggan iyo qaraxyo is daba joog ah intii uu dagaalku socday, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Ilo amni ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarka, hase yeeshee aan weli la hayn faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha labada dhinac inkastoo wararku sheegayaan inuu jiro qasaare xoogan oo soo kala gaaray labada dhinac gaar ahaan marka la eego mudada uu socday dagaalka iyo hubka la isku adeegsaday.

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada midkoodna kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan weerarkan.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay marar badan ka dhacaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo kooxdaasi ay si joogto ah u beegsato saldhigyada ciidamada ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *