Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Laga Soo Celiyay Garoonka Diyaaradaha Kenya

Warar laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi, kaddib baaritaan ay sameeyeen saraakiisha socdaalka.
Sida lagu sheegay warbixin booliis, saraakiisha socdaalka ayaa ka shakiyay baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu watay mas’uulka, xilli lagu guda jiray hubinta caadiga ah ee socdaalka.
Warbixinta ayaa sheegtay in markii laga codsaday inuu baasaboorka dhiibo uu diiday, isaga oo sheegay inuu dukumeentigaasi ku soo bandhigi karo oo keliya maxkamad horteed.
Intaas kaddib, sida lagu sheegay warbixinta, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaa loo galbiyay qaybta martida sharafta leh (VIP Lounge), halkaas oo lagu hayay muddo kooban, ka hor inta aan loo jarin tigidh dib ugu soo celinaya magaalada Muqdisho, oo ahayd halkii uu safarkiisu ka soo bilowday.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama mas’uulka laftiisa oo ku saabsan dhacdadan, waxaana xogta la baahiyay inta badan ku saleysan warbixinno ay daabaceen warbaahinta iyo ilo ka tirsan laamaha ammaanka ee Kenya.









