LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Horjooge kasoo goostay Al-Shabaab oo isi soo dhiibay & Taliska Ballidoogle oo…

Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Wanlaweyn, sida ay xaqiijiyeen ilo amni.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Xasan Xamuud Yacquub, kana magac dheer (Maslax), ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay Ciidanka Birmadka, kadibna uu kasoo baxay deegaanka Toora-Toorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa ku soo dhaweeyay goob ammaan ah, waxaana markii dambe lagu wareejiyay taliska ciidanka gaarka ah ee ku sugan Balidoogle si loogu sameeyo baaritaanno iyo habraacyada amniga ee la xiriira kiiskiisa xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo xubnaha Al-Shabaab inay ka soo baxaan kooxda, iyagoo ballanqaaday in la sii xoojin doono barnaamijyada nabadaynta iyo dib-u-dhexgalka bulshada.

Muddooyinkaan waxaa sii kordhayay maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab soo goosanaya islamarkaana isku soo dhiibaya ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyed oo sare u qaaday weerarada cirka iyo dhulka ee ka dhanka ah AlShabaab, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineyso sidii Al-Shabaab looga nadiifin lahaa guud ahaan dalka iyadoo kaashaneyaa Saaxiibada caalamka oo ciidamada Xoogga Dalka ka taageera dhinaca cirka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *