LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka Booliiska oo gacanta ku dhigay 7 eedeysane oo kufsi geystay

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ku guuleysteen howlgal degdeg ah oo lagu soo qabtay toddobo eedeysane oo loo haysto inay geysteen fal kufsi wadareed oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Sida ay sheegeen laamaha amniga, markii Booliska uu helay xogta la xiriirta dhacdada, waxaa isla markiiba la bilaabay howlgal qorsheysan, kaas oo lagu soo qabtay dhammaan eedeysanayaasha muddo laba saac gudahood ah. Eedeysanayaashan ayaa haatan ku jira gacanta ciidamada amniga, iyadoo baaritaannada kiiskuna ay weli socdaan.

Booliska ayaa sheegay in marka baaritaanka la soo gabagabeeyo, eedeysanayaasha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga waafaqsan loola xisaabtamo.

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa uga mahadceliyay shacabka wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, isagoo adkeeyay inay ka go’an tahay sugidda amniga iyo la dagaallanka dambiyada ka dhanka ah bulshada, gaar ahaan falalka lagu dhibaateeyo haweenka iyo carruurta.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo noqnoqday falalka kufsiga iyo dilalka ah ee lagula kaco haweenka iyadoo magaalada ay horey dhaceen kiisas kufsi iyo dil ah oo loo geystay haween iyo gabdho aad u da’ yar.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *