Muqdisho (Banaadir24) — Maxkamadda Sare ee dalka ayaa go’aan muhiim ah ka soo saartay muranka dastuuriga ah ee ka taagan muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in wax-ka-beddelkii dastuurka uusan muddo-xileed cusub u kordhin hay’adaha hadda jira.
Go’aanka oo ay gaareen shan garsoore oo ka tirsan guddiga dastuuriga ah ee maxkamadda ayaa lagu caddeeyay in tallaabooyinka ay qaadeen hay’adaha dowladda kaddib marka ay dhammaadaan muddo-xileedkooda afarta sano ah aysan sharci ahayn.
Maxkamaddu waxay dhinacyada siyaasadda ku amartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku heshiiyaan hannaan doorasho, iyadoo sidoo kale faray in doorashooyinka la qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay dowladda federaalka ku xaddiday inay sii waddo oo keliya howlaha caadiga ah ee maamulka dalka, iyadoo ku shaqaynaysa awoodaha dowlad xilkeedu dhammaaday oo ku-meel-gaar ah.
Go’aanka maxkamaddu ma burinayo guud ahaan Dastuurka cusub ee 2026, balse wuxuu si gaar ah u diidayaa in wax-ka-beddelka dastuurka loo adeegsado kordhinta muddo-xileedka hay’adaha hadda jira.
Kiiskan waxaa maxkamadda u gudbiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo dacwad ka dhan ah madaxda dowladda federaalka, Baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee ay khusayso gudbiyay.
Qareenka Sheekh Shariif, Garyaqaan Zakariye Ismaaciil Nuur, ayaa codsiga dacwadda gudbiyay 11-kii October, waxaana maxkamaddu diiwaangelisay maalintii xigtay.
Dacwadda ayaa salka ku haysay habraacii loo maray wax-ka-beddelka Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 iyo saameynta sharci ee ka dhalatay, gaar ahaan muddo-kordhinta loo sameeyay labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo dowladda federaalka ee ka dhalatay hay’adahaas.
Go’aankan ayaa doodda siyaasadeed iyo tan dastuuriga ah ee dalka dib ugu celinaya arrinta muddada xil-haynta hay’adaha dowladda iyo heshiiska laga gaarayo hannaanka doorashooyinka.
