Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Mareykanka ayaa ciidamadeeda kala baxday saldhigga milatari ee Bali-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah howlgalada milatari ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya.
Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha milatariga ee Bali-Doogle ay dhowaan isaga baxeen xarunta, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada baxay iyo halka loo wareejiyay.
Saldhigga Bali-Doogle oo qiyaastii 60 mayl dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa door muhiim ah ku lahaa howlgalada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, howlaha sirdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo wax laga weydiiyay wararka ku saabsan bixitaanka ciidamada, ayaan si toos ah u xaqiijin in dhammaan ciidamadii saldhigga ku sugnaa ay isaga baxeen.
Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay in talisku uusan faahfaahin ka bixin howlgalada socda sababo la xiriira amniga howlgalada, isagoo xusay in ciidamada Mareykanka loo kala wareejiyo goobo kala duwan si loo daboolo baahiyaha howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Bali-Doogle ayaa ka mid ahaa xarumaha muhiimka ah ee Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya, waxaana muddo dheer loo adeegsanayay taageerada iyo tababarka ciidamada Danab oo door muhiim ah ka qaata howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Mareykanku bishii May 2025 uu bilaabay mashaariic lagu horumarinayo kaabayaasha saldhigga, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhismaha xarun caafimaad, hoyga ciidamada iyo xoojinta ammaanka xarunta.
Ilaa hadda ma cadda in bixitaanka ciidamada Mareykanka uu yahay mid ku-meel-gaar ah ama joogto ah, sidoo kalena lama shaacin saameynta uu ku yeelan karo taageerada milatari ee Mareykanku siiyo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Danab.
