Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Go’aankan ayaa yimid kaddib cabashooyin la xiriira habsami u socodka iyo hufnaanta garsoorka oo ay muujiyeen garsoorayaal, hawl-wadeennada hay’adaha garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu go’aankan ku gaaray baahida loo qabo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan, caddaalad ah oo la isku halleyn karo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka loo igmaday, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaaladda loo siman yahay.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka uu madaxweynuhu sheegay in lagu doonayo dib-u-habeynta hay’adaha garsoorka dalka.
