Muqdisho (Banaadir24) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa duleedka magaalada Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo isugu jiray Guutada 8-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor.
Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, heegan iyo diyaar-garow buuxa, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga iyo ilaalinta deegaannada ay ku sugan yihiin.
Booqashada Taliyaha ayaa imaneysa xilli ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegeen mas’uuliyadda amniga magaalada Baraawe, kaddib bixitaankii ciidamada Midowga Afrika ee halkaasi ku sugnaa.
Tallaabadan ayaa muujineysa doorka sii kordhaya ee Ciidanka Xoogga Dalka ee sugidda amniga magaalada Baraawe iyo mas’uuliyadda cusub ee saaran ciidamada Soomaaliyeed.

