Muqdisho (Banaadir24) — Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku soo qulqulayaan maleeshiyaad ka tirsan ciidamada Macawiisleyda, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta iyo maamulka Hirshabeelle.
Maleeshiyaadkan oo door weyn ka soo qaatay dagaalladii lagula jiray kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan hoggaanka hadda jira ee maamulka Hirshabeelle, iyadoo ay soo baxayaan qorshayaal la xiriira dhismaha maamul kale oo ka madax-bannaan Hirshabeelle.
Khilaafkan ayaa salka ku haya tabashooyin siyaasadeed oo soo jiitamayay tan iyo markii la dhisay maamulka Hirshabeelle sanadkii 2016, gaar ahaan awood-qaybsiga, matalaadda siyaasadeed, xulashada hoggaanka iyo qaybsiga kheyraadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedyo ka soo jeeda Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe ku doodayay in nidaamka Hirshabeelle uusan si ku filan u matalin danaha iyo saamiga siyaasadeed ee gobolka, taas oo dhalisay baaqyo soo noqnoqday oo ku saabsan in Hiiraan loo sameeyo maamul u gaar ah.
Xaaladda ayaa sii cakirantay kadib markii maleeshiyaadka Macawiisleyda ay galeen xarunta maamulka gobolka ee Lama-Galaay, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo, iyadoo sidoo kale la soo sheegay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay meelo kale oo magaalada ah.
Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa walaac ka abuuray saameynta uu khilaafkani ku yeelan karo amniga gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay Macawiisleydu door muuqda ku lahaayeen.
Haddii khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysto, isla markaana ciidamada deegaanka ay ka fogaadaan furimaha dagaalka, waxaa dhici karta inuu saameyn ku yeesho wada-shaqeynta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Dhanka kale, haddii qorshaha maamul ka madax-bannaan Hirshabeelle uu horumar sameeyo, waxay taasi dhalin kartaa isbeddel weyn oo ku yimaada maamulka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.
Ilaa hadda, khilaafka siyaasadeed xal rasmi ah lagama gaarin, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka ay qaadaan madaxda Hirshabeelle, Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka.
