LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Golaha Mustaqbalka oo digniin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, kana digay…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin wararka la xiriira isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka hay’adaha dowladda Federaalka ama wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka si ka baxsan nidaamka sharciga ah.

Goluhu wuxuu xusay in muddada xilka Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xilhaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhammaanayso 15-ka May 2026, sida uu dhigayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee la ansixiyay sanadkii 2012.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in dastuurku si cad u qeexayo habraacyada lagu maamulo muddo-xileedyada hay’adaha dowladda, isla markaana aan la oggolaan karin tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa qodobada dastuurka ama nidaamka dowladnimada federaalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka digay in Soomaaliya ay mar hore soo martay cawaaqib siyaasadeed oo ka dhashay isku day muddo-kororsi ah, iyagoo tusaale u soo qaatay khilaafkii siyaasadeed ee dhacay sanadkii 2021, kaas oo sababay xiisado siyaasadeed iyo amni oo halis geliyay xasiloonida dalka.

“Waa cashar laga bartay dhacdooyinkii 2021-kii, waxaana muhiim ah in hoggaanka dalka uu ka fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta khilaaf siyaasadeed ama qalalaase amni,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Goluhu wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dowladda Federaalka in ay si buuxda u ixtiraamaan dastuurka dalka, isla markaana ay ka waantoobaan muddo-kororsi kasta oo keeni kara khilaaf siyaasadeed.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada federaalka in ay doorashadooda ku qabtaan waqtigooda si waafaqsan dastuurka dowlad-goboleedyada iyo mabaa’di’da nidaamka federaalka.

Ugu dambeyn, goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta dastuurka, nidaamka federaalka iyo kala dambeynta dowladnimo ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed, midnimada dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Screenshot
Screenshot

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *